|

Sen John Kerry oo loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Mareykanka

Washington Dec 22,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr Barack Obama ayaa u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalkaas Senator John Kerry oo hore mar madaxweyne isugu soo sharaxay xilka Madaxweynenimada ee dalkaasi.

Magacaabida ayaa timi ka dib kolkii ay safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Susan Rice shaacisay in aaney dooneyn xilka ay ka tegeyso Hillery Clinton.

Susan Rice ayaa goaanka ka harida doonida xilka Xoghayenimada isaga hadhay ka dib kolkii ay Xisbiga Jamhuuriga ahi si weyn u diiday in Susan Rice loo magacaabo booska ay baneyneyso Hillery Clinton.

“Xilkan aan maanta u magacaabayo Mr Kerry waa mid uu noloshiisa oo idil uu u diyaargaroobayay,waana  shaqsi si weyn ay u ixtiraamaan madaxda caalamka”sidaa waxa yiri Mr Obama.

Madaxweyne Obama ayaa magacaabidiisa Mr Kerry ku sheegay in uu filayo in Congressku degdeg u ansixin doono magacaabida John Kerry.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa doorkan labaad ee dib loo doortay bedelaya masuuliyiin badan oo xukuumadiisa ka mid ah.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed