|

War degdeg ah: Madaxweyne Siilaanyo oo xil u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa, xilkana ka qaaday guddoomiyihii gobolka Saaxil

Hargeysa 21, December 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dib u soo celiyay guddoomiyihii gobolka Hargeysa Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), kaasoo xilkaas laga qaaday ka hor intii aan Maxkamadda gobolku isaga iyo masuuliyiin kale eedaymo musuqmaasuq u xukumin, inkastoo dhowaan Maxkamadda Racfaanku jebiyay xukunkaas.

Sida lagu sheegay degreeto uu caawa soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Mr. Xamarje dib ugu celiyay guddoomiyenimada gobolka Maroodi-jeex, halka uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyadoo uu masuul cusub u magacaabay xilkaas.

Degreetada Madaxweynuhu soosaaray ee xil-ka-qaadista iyo magacaabistu waxay u dhignayd sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray waxa uu ku magacabay labada badhasaab ee Gobolada Maroodi-jeex iyo saaxil, waxaanu sidoo kale digreetadaasi uu xilkii kaga qaaday Badhasaabkii Gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay:                        Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Arkay:                        Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:                 Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:             In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso; 

Markuu ku Qancay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL KA-QAADIS

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in xilkaa aad ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Cilmi oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.

Waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed