Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Kenya wadahadalana la leh Mas’uuliyiinta dalkaasi
Nairobi Dec 21 2012 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu gaaray Magaaladaasi halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda sare ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Mwai Kibaki hogaamiyaha Kenya waxaana si kooban uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu sheegay saxaafadda in u jeedka safarkiisu uu yahay in wadahadal uu la yeesho Madaxda Kenya.
Mas’uuliyiinta Kenya iyo Madaxweynaha aya kawada hadli doono arrimo ay ka midyiin xiriirka labada dal iyo arrimaha muranku uu ka taagan yahay ee maamul u sameynta gobolka Jubooyinka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi.
SDN-Nairobi