|

Afhayeenka Raas Kambooni oo beeniyay in dagaal uu ka dhacay Magaalada Kismaayo

Muqdisho Dec 21 2012 (SDN)— Afhayeenka Ururka Raas Kaambooni Cabdi Naasir Seeraar oo warbaahinta kula hadlayay shalay beerta Xuriyadda ee Magaalada Kismaayo kaddib dagalka ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa been abuur waxa uu ku tilmaamay in dagaal halkaasi uu ka dhacay.

Mr Seeraar ayaa Ku nuux nuuxsaday in kaliya Ciidamadooda ay qaadeen maleeshiyaad yar waxa uu ku tilmaamay oo Jidgooyo soo dhigtay Bartamaha Magaaladaasi Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka Raas Kaambooni ayaa dhinaca kale Borobogaando ku tilmaamay in falal kufsi ah iyo dhibaateyn rayidka ay ka jiraan Magaalada Kismaayo taasi oo uu tilmaamay in warbaahinta ay buun buuniso.

Sikasaba waxaan shaki ku jirin in qilaaf weyn uu u dhaxeeyo mas’uuliyiinta iyo ciidamada kala duwan ee ku sugan halkaasi kuwaasi oo hoostaga hogaamiyaal kala duwan.

SDN-Muqdisho

Comments are closed