|

Fifa oo Cirka Ku Laashey 86-dii Gool ee Lionel Messi Markii Ay Soo Ifbaxeen.

Dec-20-2012-qurbejoognews.com-Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku turxamineynaa Fifa oo cirka ku laashey 86-dii Gool uu dhaliyey xiddiga reer Argentiin iyo Barcelona LIONEL MESSI,markii ay soo ifbaxeen xiddigo ka horeeyey isaga oo dhaliyey Goolal ka badan kuwa uu dhaliyey.

Haddaba wiigagii aynu soo dhaafney buubuunis badan oo ka soo butaacaysey Argebtina,Barcelona,miidiyaha iyo taageerayaashiisa oo ku saabsanaa rikoodhka uu jabiyey ayaa isu bedeshey Hal Bacaad Lagu Lisey,aynu qeexno xiddigaha hortii ka goolal badnaa iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

Ugu horeyntii xiriirka kubadda cagta ee Zambiya(The Football Associaton Of Zambia ayaa la soo shirtegey Godfrey Chitalu oo dhaliyey 107-Gool (1972).

Waxa kale oo udbahooda iyo dhigahooda soo qaatay Naadiga weyn ee ka hawl gala dalka Brazil (Flamengo Club)Xiddigoodii weynaa ee (ZICO) oo uruursadey 89 Gool.

Akhyaartay magaranayo waxa si ka ah (FIFA) miyey iska indha saabeen boqorkii kubadda cagta aduunka  ee reer Brazil (PELE) oo jeebadda ku heysta 127-Gool.(1959).

Saaxiibayaal ma aha goor ay xeedhiyo fandhaal kala dhaceen in ay FIFA ku marmarsooto xiddigahaa hore diinwaanka nogumeyjirin,laakiin Taariikhdu waa sida dayax mugdina ma gasho.

W /Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed