|

Shirkada Wadaniga ah ee Al Nuur Furniture oo Maanta deeq dhismo ku wareejiyay Guddida Wadada Cad

Hargaysa 20.Dec.2012 (SDN) Shirkada Wadaniga ah ee Al Nuur Furniture ayaa maanta ku wareejisay Gudida Dibu dhiska Wadada Cad Konton Foosto oo daamur ah oo ay hore u balan qaadeen inay kaga qayb qaadanayaan dib u dhiska Wadadan.

Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Madaxda Sare ee Shirkada Al Nuur oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay inay maanta fuliyaan balanqaad ay hore u sameeyeen isla markaana ay ku wareejinayaan Gudida Dibu dhiska Wadada Cad Konton Foosto oo Daamur ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudida Dibu dhiska Wadada Cad Cali Sanyare oo madashii la wareegista kontonkan foosto ee daamurka ah ka hadlay ayaa tilmaamay in wadadan ay hirgalinteeda ku hawlan yihiin ay gaadhayso Sideetan Killo Mitir, isla markaana ay dhamaystireen 13 Km,isagoo intaas ku daray inay hada dhigeen 15km oo Caro Tuul ah kana bilaabanta Marka laga baxo Tuulada Toon.

Gudoomiyaha Gudida Dibu dhiska Wadada Cad, Mudane Cali Sanyare waxa uu  u mahadceliyay Shirkada Wadaniga ah ee Al Nuur Furniture oo ka dhabaysay balan qaadkii ay sameeyeen munaasibadii uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland .

Sheikh Maxamed Cali Geedi oo Xubin ka ah Gudidan ayaa sheegay in Mashruucani uu yahay Mid Khayri ah isla markaana ay waajib tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hirgalinta Wadada Cad oo ah mid ka wada dhaxaysa ummada Somaliland.

Sheikh Maxamed Cali Geedi waxaa kale oo uu sheegay in Shirkada Wadaniga ah ee Al Nuur ay baal dahab ah ka gashay ka dhabaynta balanqaadkoodii waxaanu ilaahay uga baryay inuu u barakeeyo hantida ay shaqaysteen,waxaa kale oo uu sheekhu ugu baaqay Shirkadaha iyo Ganacsatada kale in wixii tabarucaad ah ee Wadadan ay kaga qayb qaadanayaan ay ka sugayaan.

Waxaanu intaas ku daray in Waxyaabaha uu dalku horumarka ku gaadhi karo ay ka mid tahay iskaashiga ay sameeyaan bulshadu isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay wadooyinka ay dadweynuhu ka samaynayaan dawga Cad iyo Jidka isku xidha Oodweyne iyo Burco.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed