|

Hargeysa: Aas qaran oo loo sameeyay guddoomiyihii hore ee dhidibada u taagay Baanka Dhexe ee Somaliland

Hargeysa 20, December 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Shirgudoonada goleyaasha Baarlamaanka, madaxda Xisbiyada, ururada Siyaasada iyo dadweyne kale ayaa maanta ka qaybgalay aas balaadhan oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee Marxuun Cabdiraxmaan Ducaale Muxumed oo ahaa guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo lagu aasay Xabaalaha Naasa-hablood ee Caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban halkaas ka soo jeediyay ayaa ku sifeeyay Marxuunka Shakhsi Wadani ah isla markaana wax badan u soo qabtay dalkiisa,waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay kaalintii uu alle ha u naxariistee Marxuun C.raxmaan Ducaale Maxamuud uu ku lahaa dhidibo u taagida lacagta Shillinka Somaliland, waxaanu Allaah uga baryay inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamud Aadan ayaa sheegay in guud ahaan Qaranka Somaliland uu maanta ka baxay qof qaali ku ahaa, isla markaana wax badan ka soo qabtay horumarka wadanka. waxaanu si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuun C.raxmaan Ducaale.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland C.raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in marxuum C/Raxmaan Ducaale Maxamuud uu ahaa qof aqoon dheer u lahaa xirfadda baananka, muddo toban sanadood ka badanna ahaa guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, waxa uu Gudoomiyuhu marxuunka ku sifeeyay shaqsi u dhashay dulqaad iyo deeqsinimo.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay madax kala duwan oo aaskaa ka qayb gashay kuwaas oo mid kastaaba tilmaamay waxyaabaha u ka xasuusto Taariikhdii Marxuun C.raxmaan Ducaale Maxamuud .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah oo uu na soo gaadhsiiyay waxa uu ku sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa,ka hogaanka Xisbiga Kulmiye,ka Gudida Fulinta,iyo ka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii,Qaraabadii uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe.

Marxuunku waxa uu ifka kaga tagay lix caruur ah saddex wiil iyo saddex hablood iyo laba Xaas.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed