|

Golaha deegaanka Berbera oo doortey maayir cusub kana soo jeeda Xisbiga Ucid Md, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (CIDDIIN)

Berbera Dec20/12 (SDN) Golaha dhawaan la soo doortey ee deegaanka Berbera ayaa doortey maayir iyo ku xigeen cusub, kadib markii mudadii xilka ay ka dhamaatay golihii hore.

Fadhigan maanta ee golaha deegaanka Berbera ayaa ka qabsoomay xarunta golaha deegaanka ee magaalada Berbera, waxana shir gudoominayay badhisaabka gobolka Saaxil md Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Maayirkii xilku ka dhamaaday ee magaalda Berbera md Cabdalle Maxamed Carab, ayaa isagu xalay habeenimadii ka hadhay tartanka doorashada.

Fadhigagan maanta ee golaha deegaanka Berbera ayaa si aqlabiyad buuxda ah xilka maayirka cusub ee Berbera loogu doortey, maareeyihii hore ee wakaalada laydhka Berbera,

Md, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (CIDDIIN)

Waxana maayir ku xigeen loo doortey xildhibaan Baashe Cabdilaahi (Yacquub) oo ka soo jeeda ururka wadani Kalfadhigan ayaa si wanaagsan u qabsoomay, waxana xarunta dawladda hoose ee magaalada Berbera soo buux dhaafiyey kumanaan qof, oo doonayay inay ogaadaan sida ay u dhacdo doorashadani,Dadwaynaha kasoo qayb galay munaasbidan ayaa aad ugu riyaaqay sida nadiifta ah ee ay u dhacday, waxana isla goobtiiba ku hambalyeey maayirka cusub maayirkii hore ee magaalada Berbera Md Cabdalle Maxamed Carab.

Berbera,qurbojoog.com

Comments are closed