Madaxweyne Kibaki oo sheegay in howlgalkooda Soomaaliya uu guuleystay
Nairobi 20 2012 (SDN)– Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo xalay qubadiisii ugu danbeysay u jeedinayay barlmanka dalkaasi aya waxa uu ka hadlay hormarada ay dowladiisu sameysay tan iyo markii xafiiska uu ku fariistay.
Mwai Kibaki ayaa sheegay in dalka Kenya ay soo wajahday weeraro xadka ah oo kaga imaanay kooxo ku sugan Soomaaliya, sidaasi darteedna iyadoo ay barlamanku meel mariyeen ciidamada Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya si ay Al Shabaab ula dagaalaman.
Madaxweynaha Kenya waxa uu amaan u soo jeediyay Ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga kuwaasi hada qeyb ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya.
Mwai Kibaki waxa uu tilmaamay in ciidamada Kenya howgalkooda Soomaaliya uu guul gaaray madaama ay la waregeen Magaalada Istaatiijiga ah ee Kismaayo oo uu xusay in Al Shabaab ay ku tiirsanaayeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Kenya ayaa aad u amaanay Ra’iisul wasaraha Kenya, Madxweyne Kuxigeenka iyo Afhayeenka barlamanka shaqada wanaagsan ee ay la soo qabteen.
Ugu danbeyntii Mwai Kibaki ayaa barlmanka u sheegay in uu buuk ka qori doono xirfadiisa Siyaasada sida uu hadalka u dhigay.
SDN-Nairobi