Qaraxyo mar kale lala beegsaday Masjid ku yaal Nairobi
Nairobi Dec 2012(SDN)-Waxa shalay gelinkii danbe mar kale lala beegsaday qaraxyo Masjid ku yaal xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.
Qaraxyada oo laba ahaa ayaa ka dhacay aaga uu ku yaal Masjidka Al Amiin oo Soomaali badani ku tukato.
Laba ruux ayaa ku dhaawacmay Qaraxyada oo ahaa qaar is xigay,mana cada cida ka danbeysa qaraxyadan soo noqnoqda.
“Laba ruux oo shiciba ayaa ku dhawaacmay qaraxyo ka dhacay aaga masjid Al Amiin ee Eastleigh,ma cada cida ka danbeysa” sidaa waxa yiri madaxa ciidamada Booliska Nairobi Moses Ombati.
Qaraxyada ayaa bilihii u danbeeyay xaafada Soomaalida ee Nairobi ku soo badanaay,mana cada in ay jawaab u yihiin farogelinta Kenya ee Soomaaliya iyo in ay falcelin u yihiin qaraxyo Shabaabku sheegteen oo hore Kenya uga dhacay.
Booliiska Nairobi ayaa waday maalmihii u danbeeyay hawlgalo ay Soomaalida ku bartilmaansanayaan ka dib kolkii Dawlada Kenya ayaa amartay in Soomaalida la geeyo xeryaha Qaxootiga.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com