Safiirka Ethiopia ee Somaaliya oo ka digay weeraro Al Shabab ka geystaan Somalia
Muqdisho Dec 20 2012 (SDN)– Safiirka dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya ayaa kadigay weeraro Al Shabaab iyo kooxaha la midka ay ka geystaan goobaha ay la wareegtay dowladda iyo AMISOM.
Ambassador Cabdi Casiis ayaa tilmaamay in ay badin qabaan in Al Shabaab ay weeraro qaryo ah ka fuliyaan goobaha ciidamada dowladda kuwa AMISom ay la wareegeen.
“Haa waan ka digeynaa weeraro laga fuliyo dhulka hada dowladdu qabsatay maxaayeelay nimanka waxa ay doonayaa dad ay martaan waxaay dhamaadeen” sidaasi waxaaa sheegay safiirka Ethiopia Soomaaliya u fadhiya Cabadi Casiis.
Dhanka kale Ambassador-ka waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin tababaro ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya si ay ugu filnaadaan xaqiijinta Ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.
SDN-Muqdisho