Dabaylo iyo roobab dabaylo wata oo la sadaaliyay inay ka dhici karaan xeebaha Somaliland iyo Somalia
Hargeysa Dec 20,2012(SDN)-Sida lagu baahiyay ilaha warbaahinta ee saadaasha hawada u qaabilsan, waxa la saadaaliyay inay dabaylo iyo roobab ka soo kacaan dhinaca badda maalmaha innagu soo socda ee 20ka bisha Dec, 2012 illaa iyo maalmaha u horreeya ee bisha January ee sanadka cusub 2013 kuwaasoo ay dabayshu kala duwanaan doonto maalmahaas lagu jiro.
Maanta oo ah 20ka Dec, 2012, 25ka iyo 26ka bisha Dec ayaa sida la saadaalinayo ay dhici karaan dabaylaha ugu xoogga roon bishan oo cirkuna daruuro iyo roobab aan badnayn iyo qabaw yeesho, halka 27aad bisha lagu qiyaasay inay roob weyni da’o maalinta 27aad ee bisha Dec, 2012. Dabalayaha ayaa jiri doona illaa dhammaadka bisha Dec iyo horraanta January ee sannadka cusub.
Sida laga warqabo bishii October ee la soo dhaafay ayay roobab waaweyn oo dabaylo badan watay ka dayeen magaalada Berbera iyo xeebaheeda kuwaasoo ay dadweyne badan oo danyar ah dhibaato ka soo gaadhay oo guryo badan ay biyuhu galeen balse aan khasaare aad u weyni ka dhalan. Roobkaas dabaylaha watay ayaa sidan oo kale ay hay’adaha ku shaqada lihi u saadaaliyeen inuu da’ayay.
Waxa laga dareemi karaa is bedelka hawada ee circa daruuraha leh iyo qabawga aan badnayn Hargeysa gudaheeda halka dadweyne aan la xidhiidhay oo jooga xeelliga badda Biyo-cas ee deegaanka Cabdi-geedi ay galabta ii xaqiijiyeen inay maanta ku bilawdayn dabaylo ka badan intii hore, badduna ay aad u kacsantahay. Sidoo kale, waxay dadkaasi ii sheegeen inay isla maanta ka da’aayeen xarunta degmada Lughaya roobab dabaylo wataa. Waxay u dhawdahay inaanay noqon kuwo sidaa u daran iyadoo xiilligan la filayay roobabkii xayska ee gubanka ka da’ayi jiray balse waxay hadana u baahan inay gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan xeelliyadda baddu ka diyaar garoobaan inay waxyeello ka soo gaadho dabaylaha iyo biyaha badda ee kacaya.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa u baahan in lagu baraarugsanaado oo dadweynaha iyo dawladduba ku talo galaan in laga diyaar garoobo oo dhammaan dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka badda raacsan ee gobollada Saaxil, Sanaag iyo Awdal ay ka diyaar diyaar garoobaan oo dadka iyo xooluhuba ay ka fogaadaan meelaha xeelliyada badda ah ee waxyeelo ka soo gaadhi karto.
Ka sokow magaalooyinka xeebaha, waxa sidoo kale jira dadweyne badan oo la yidhaaho qorrax joog oo tusaale ku dhaqan Berbera illaa Zeilac inta u dhaxaysa kuwaasoo waxkayar 50-100m u jira biyaha badda, lagana yaabo inaanay inbadan oo ka mid ah ka warqabin dabaylahan.
Xasan Axmed Yuusuf
4081527