|

Hargeysa oo lagu soo bandhigay xeerka cusub ee Biyaha Somaliland

Hargaysa 19 Dec.2012 (SDN)Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu soo bandhigayay xeerka biyaha Somaliland ,oo ay dhawaan Golayaasha Sharci dejinta ee Somaliland Ansixiyeen,isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland si rasmi ah u dhaqan galiyay.
kulankan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa,waxaa kale oo ka qayb galay Mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaha samo falka ee dalka ku sugan.

Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ka waramay faa’iidada xeerka biyaha Somaliland,isagoo xusay in xeerkani yahay qaanuunka lagu kala hagayo maamulka iyo horumarinta biyaha ee Somaliland.

Waxaa kale oo uu Wasiirku Sheegay in xeerkani jidaynayo daadejinta maamulka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland,isagoo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la faafiyo oo la hirgaliyo xeerkan,oo mudo badan laga dhursugayay .

Waxaa kale oo kulankaas faahfaahin iyo Sharaxaad ku wajahan xeerkan ka soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaarada Macdanta,Biyaha Axmed Dirir iyo Waaxda Wakaaladaha Biyaha C.salaan Sj.Cali Jawhar oo sheegay in Xeerkani uu yahay mid si dhamaystiran ugu adeegaya habka loo maamulayo loona horumarinayo biyaha.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com



Comments are closed