|

Kulan lagu soo bandhigay Xeer Muhiim ah oo ka furmay magaalada Hargeysa

Hargaysa 19 Dec.2012 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Mr Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta ka qaybgalay kulan lagu soo bandhigayay xeerka Biyaha Somaliland, kaasoo ay dhawaan golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen, isla markaana uu Madaxweynuhu si rasmi ah u dhaqangaliyay.

kulankan oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa, waxaa kale oo ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha samofalka ee dalka ku sugan. 

Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo kulankaas ka hadlay, ayaa ka waramay faa’iidada xeerka biyaha Somaliland, isagoo xusay in xeerkani yahay qaanuunka lagu kala hagayo maamulka iyo horumarinta biyaha ee dalka.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in xeerkani jidaynayo daadejinta maamulka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland, isagoo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la faafiyo oo la hirgaliyo xeerkan oo muddo badan laga dhursugayay.

Waxaa kale oo kulankaas faahfaahin iyo sharaxaad ku wajahan xeerkan ka soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Biyaha ee wasaaraddaas Axmed Dirir iyo Waaxda Wakaaladaha Biyaha Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar oo sheegay in Xeerkani uu yahay mid si dhamaystiran ugu adeegaya habka loo maamulayo, loona horumarinayo biyaha.

Qurbejoog.com, Hargeysa

 

Comments are closed