Wasaarada Arrimaha Bulshada oo muddo 20-sano ah kaddib xariga ka jartay Olala Talaalka
Muqdisho Dec 19 2012 (SDN)– Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Hormarinta Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jartay olalaha talaalka gobolka Banaadir.
Kaddib munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa wasiirka Hormarinta Arrimaha Bulshada waxa ay kaga dhawaaqady in olalaha talaalka uu ka bilaabanayo gobolka Banaadir kaasi oo ay maamuleyso wasaareeda muddo 22-sano ah kaddib.
Maryan Qaasim Axmed ayaa u sheegtay waalidiinta Soomaaliyeed in talaalku uu faa’iidooyin badan leeyahay, islamarkaana loo baahan yahay in waalidiintu ay talaashaan caruurtooda.
Wasiirada ayaa si qiirad leh u sheegtay in ay wax weyn tahay in dowladda markale ay gacanteeda ku soo laabato maamulka talaalka kaasi oo ay mamuli jireen hay’addo ka madaxbanaan dowladda.
Olalaha Talaalka ayaa kabilaaban doona 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyadoo ay ku xigi doonaan degmooyinka gobolada dalka sida ay sheegtay wasiirada Hormarinta Adeegyada Bulshada.