|

Al-shabaab oo sheegay inay rag burcad ah ku dileen wadada udhaxeysa Marka iyo Afgooye

Muqdisho Dec 19 2012 (SDN)— Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay dileen rag dadka ku dhibaateyn jiray wadada isku xirta Magaalada Marka iyo sidoo kale Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Shabaab ugu magacaabay Gobalka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in rag ka tirsan Shabaab howlgal ay ka fuliyeen wadada udhaxeysa Num-60 iyo Num-50 ay ku dileen rag dadka dhici jiray.

Wuxuu sheegay in labo kamid ah ragaasi ay ku dileen halka loo yaqaan Buushka halkaasi oo sida uu sheegay dadka iyo gaadiidka ay ku dhibaateyn jireen ayna ula dagaalameen sidii cadoowga oo kale sida uu sheegay.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa sheegay in deegaanka laanta buuro ay ku weerareen kooxo burcad ah mid ay ku dileen halkaasi halka dhowr kalena ay ka carareen sida uu hadalka udhigay.

Ka sokoow hadalka Shabaab Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Gobalkaasi waxa ay sheegeen in halkaasi laga sifeeyay kooxaha burcada ee gaadiidka wadada ugeli jirtay iyadoo dhawaan wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay ku socdaaleen wadadaasi.

SDN-Muqdisho

Comments are closed