|

Mucaaradka Afrikada Dhexe oo la wareegay Magaalooyin Muhiim ah oo dalkaasi ku yaalla

Brea Dec 19 2012 (SDN)— Wararka ka imaanaya Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa sheegaya in Mucaaradka dalkasi ay la wareegeen Magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla dalkaasi si saraakiisha dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ay xaqiijiyeen.

Mucaaradka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa la wareegay Magaalooyin ay ugu muhiim santahay Brea oo ah magaalo khayraad uu ka buuxo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Francois Bozize ayaa weydiistay wadamada dariska ah in ay ka taageeraan sidii wax looga qaban lahaa mucaaradka isku fidinaya dalkaasi.

Dowladda Chad ayaana taasi ka jawaabta waxana la soo sheegayaa in ciidamadeeda ay galeen gudaha Jamhuuriyada Afrikada Dhexe si ay uga hortagaan mucaaradka talada dalkaasi doonaya in ay la wareegaan.

Mucaaradka oo ka kooban dhinacyo badan oo is kaashanaya ayaa waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Afrikada Dhexe in ku guul dareystay fulinta heshiiskii nabada ee la saxiixay sanadii 2007-dii.

Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa waxa ka jira mucaarad Qatar badan waxana sidoo kale dalkaasi ka dhacayay afganbiyo is xig xigay tan iyo markii uu madaxbanaanidiisa qaatay 1960-kii.

SDN-Brea

Comments are closed