|

Madadka dad tahriibayaal ahaa oo laga helay xeebaha Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Boosaaso Dec 18 2012 (SDN)— Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ayaa la dhigay Maydka 18 ruux oo isugu jira rag,Dumar iyo caruur oo tahriibayaal ah.

Tahriibayaasha ayaa la tilmaamayaa inay la qanibmatay doonidii ay wateen bada dhexdeeda iyagoo wax badan ka fogaayn Xeebta magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in 10 kamid ahaa maydadkaas ay ahaayeen haween,7 ruux waa rag halka qofka 18 aad uu ahaa 4 Sano jir.

Waxaa la arkay maydadka dadkaan oo daad sanaa xeebta Boosaaso.

Saraakiil u hadlay Maamulka Puntland ayaa sheegay in dadkan ay tiradooda ahayd lexdan qof oo tahriibayaal ah,18 maykooda waala helay,4 waa ay bad badeen iyo kuwa kale nolal iyo geeri laguma hayo”sidas waxaa sheegay saraakiil maamulka Puntland ka tirsan.

SDN-Boosaaso

Comments are closed