|

Dowladda Holland oo dooneysa in dib ay u celiso qaxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda jooga

Amsterdam Dec 18 2012 (SDN)— War lagu qoray wargeyska ka soo baxa dalka Holand oo lagu magacaabo Dutch News ayaa waxa lagu sheegay in xaalada amaan guud ahaan magaalada Muqdisho ay tahay Mid wanaagsan islamarkaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee magan galya doonka ah ee ku sugan magaalooyinka dalka ay isaga laabtaan dalkooda hooyo.

Wasiirka Socdaalka ee dalka Holand Fred Tevan ayaa baarlamaanka dalkaasi hortooda waxa uu ka sheegay in loo baahan yahay in laga fakiro aayaha danbe ee qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi,isagoona sheegay in iminka ay u muuqato mid ka soo yara hagaagesa soomaaliya sidii hore,lana doonayo in laga arinsado sidii soomaaliya aan dib ugu celin lahayn qaxootiga soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay wasiirka socdaalka Holand Fred Tevan in go’aan ka gaarista qaxootiga soomaaliyeed sii joogitaanka Holand ay tahay mid u xil saaran baarlamaanka.

.Dowlada ayaa hore u joojisay in qaxootiga u dhashay Soomaaliya loo masaafuriyo dalkooda, taas oo ay sabab uga dhigeen amaanka oo aan wali caga adag ku taagneyn.

‘’ Dalal ay ka mid yihiin Jarmalka Sweden iyo Biljim ayaa iyagu ku adkeysanaya in ay dib u celiyaan dadka Soomaalida asalkoodu yahay’’sidaana wasiirka ayaa ka horsheegay Barlamanka dalka Holand.

Ugu danbeynta Wasiirka Socdaalka Holand ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray in soomaalida looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahdooda danbe islamarkaana wadankooda ay tagaan si ay kaga qeyb qaataan hanaanka nabada la doonayo in soomaaliya laga dhaliyo oo uu sheegay in haatan bilow ay tahay.

SDN- Amsterdam

Comments are closed