NATO oo sheegtay in 6-bilood aysan wax afduub ah ka dhicin Xeebaha Somaliya
BRUSSELS Dec 18 2012 (SDN)– Sarakiisha NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in wax markab ah aan lagu afduuban biyaha Soomaaliya 6dii bilood ee ugu danbeeyay ee Sanadkan.
Commodore Ben Bekkering ayaa sheegay in guushan ay hada gaareen ay sii wadi doonaan waxana uu tilmamaay in maraakiibta caalamiga ah ay siiwadi doonaan adkeyn ammaanka maraakiibta ganacsi ee maraya biyaha Soomaaliya.
Ku dhawaad 20-maraakiib dagaal ah oo ka socda NATO, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Ruushka, China, Japan, India iyo wadamo kale ayaa waxa ay si joogta ah u gaaf wareegaan qiyaastii 1,900 oo mile oo u dhiganta (3,100km) xeebaha Soomaaliya.
Laakiin burcad badeeda Soomaalida ayaa wali gacantak u hayaan 5-markab iyo 136 la heystayaal ah oo ay horay u afduubteen sanadadii hore.
Gacan biyoodka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ayaa ah marinka ugu mashquul badan oo ay maraan maraakiibta ganacsiga ugu badan Aduunyada waxaana hoos u riday burcad badeeda oo qafaalkeeda kordhisay.
SDN-BRUSSELS