|

Wasiir Kuxigeenkii Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

Muqdisho Dec 14 2012 (SDN)- Wasiir Kuxigeenka ka tirsanaa xubnihii shalay la magacaabay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi.

Abuukar Xasan Cali  oo loo Magacabay Wasiir Kuxigeenkii Maaliyada ayaa xilkaasi iska casilay waxana uu u sababeeyay markii qabiilkiisa ay u sheegeen in beesha aysan u qalmin Wasiir kuxigeen.

Waxa uu sheegay Abuukar Xasan Cali  oo ahaa Xilibaan ka tirsanaa barlamankii Kumeegaarka ahaa ayaa sheegay in qabiilkiisa ay ku tartarsiiyeen in xilkaasi uu isga dago.

Abuukar Xasan Cali   ayaa ka soo jeeda qabiilka Geel-jecel waxana qabiilkaasi ay sika dhaxwaayeen 10-wasiir ee uu Magaacay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabadi Faarax Shirdoon Saacid.

Sikastab shalay ayay aheyd markii lagu dhawaaqay Wasiiro kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha kuwaasi oo dhameystir u noqday Golaha Wasiirada ee Ra’iisul wasaare Saacid.

SDN-Muqdisho

Comments are closed