Taliska Ciidanka booliska oo ka warbixiyay qaraxii ka dhacay Wada Shaqalaha
Muqdisho Dec 14 2012 (SDN)- Talis Ciidamada booliska gobolka ayaa ka warbixiyay qarax ay dad rayid ah wax ku noqdeen oo ka dhacay wada Shaqaalah ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdulaahi Xasan Bariise oo ka mid ahaa saraakiil ciidamada dowladda ka tiarsan oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warfidiyeenka u warbixiyay qaraxaasi.
Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa tilmaamay in qaraxa ay wax ku noqdeen dad rayid ah islamarkaana uu ku dhintay 1-qof 7-kalana ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.
Qofka dhintay iyo dadka dhaawacamay ayaa ahaa raakaab la socday gaari bii’el ah oo marayay goobta qaraxu uu ka dhacay kaasi oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo ciidamo AMISM booliis ah oo goobta marayay.
Afhayeenka Ciidamada booliska ayaa sheegay in gaariga is qarxiyay taargadiisu ay aheyd AB 5143 waxana uu ku eedeeyay in ay qaraxaasi ay ka danbeeyeen Xarakada Al Shabaab ee ka soo horjeeda dowladda.
“Maanta waxaa halkan ka dhacay qarax lagu laayay dad maato ah, waxaa dhinta hal qof 7-kalana waa ay dhawacmeen, gaariga qaraxan fuliya oo uu nuuciisu ahaa Kaarib taaragadiisuna aheyd AB 5143 la dhigay wadada dhinaceda, way cadahay waxaa ka danbeeyay Shabaab” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Ciidanka booliska.
Sikastaba qaraxan ayaa waxa lala eeganayay Ciidamo boolis ah oo marayay nawaaxiga wada Shaqaalaha waxaana qaraxani uu noqonaya qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay Muqdisho muddo Isbuucya ah oo qasaaro xoogan geysta.
SDN-Muqdisho