Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukuno ku raday Lix qof
Jowhar Dec 14 2012 (SDN)—Maxkamada Ciidamada qalabsa sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku riday Askar ka tirsan dowladda iyo rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee dowlada ka soo horjeeda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Lix ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Ciidamada dowladda 2-da kala ay ka tirsanyihiin Al Shabaab lagu riday xukuno sanado kala duwan ah markii lagu helay danbiyo lagu soo eedeeyay.
Xukunka oo ka dhacay Degmada Jowhar ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in mid ka mid ahaa dadkii la soo eedeeyay danbi lagu waayay islmarkaana ay maxkamadu sii deysay.
Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ayaa xukunka kaddib sheegtay in raga laxukumay ay racfaan ka qaadan karaan Maxkamada sare sida uu hadalka u dhigay.
Xukunadan ay riday Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay imaanayaan xilli maalmo uun ay gacanta ugu jirto ciidamada dowladda Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
SDN-Jowhar