|

Ciyaartoyda ku ciyaareysa Magaca gobolka Hiiraan oo diyaar garow ku jira

Baladweyne Dec 13 2012 (SDN)- Tabaraha Ciyaartoyda ku dheesha Magaca gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay bilaabeen tababaro ay ugu diyaar garoobayaan ka qeybgalka Koobka gobolada dalka oo dhawaan la filayo in uu ka furmo Gobolka Banaadir.

Maxamed Cabdulaahi Buraale oo loo yaqaano Raaxeeye ayaa tilmaamay in diyaar garow xoogan ay ugu jiraan tartanka gobolada waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciyaartoyda ku dheeleysa Magaca Hiiraan lagu soo xulay sidii ugu caadil saneyd taariikhda.

Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen qalab ay jaaliyada Hiiraan u soo dhibeen kuwaasi oo uu tilmaamay in aysan la socon Kobaha ciyaartoyda loogu tala galay in ay kubada ku ciyaareen.

Maxamed Cabdulaahi Buraale ayaa hoosta ka xariiqay in ciyaartoyda gobolka Hiiraan matalidoonta ay yihiin kuwii ugu fiicaan islamarkaana laga soo aruuriyay degmooyinka gobolkaasi uu ka koobanyahay.

Magaalada Baladweyne ayuu sheegay tababaruhu in tartamo lagu qabtay halkaasna ciyaaroyda badi laga soo xulay sida uu warka u dhigay.

Dhanka kale Tababaraha ayaa tilmaamay in xiriirka wada shaqeyn ee Xiirka Kubada Cagta Soomaaliyeed uu ahaa waqtiyadii hore mid mugdi ah hadase uu aad u soo hagaagayo wada shaqeyn fiicana ay ka dhaxeyso.

SDN-Baladweyne

Comments are closed