|

Maxaa sababay in dib loo dhigo qabashada Tartanka Ciyaaraha Somaliland ee 2012?

Hargeysa 12 December 2012 (SDN)- Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtay qabashada tartan-ciyaareedka sannadka 2012, kaasoo hore wasaaraddu ugu qorshaysay inuu Jimcaha soo socda, una beegan badhtamaha bishan uu bilaabmo.

Wasiirka wasaaraddaas Mr. Cali Siciid Raygal oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in muddo bil ah dib loo dhigay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo lagu waday inuu 15-ka bishan ka furmo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in tartanka dib loogu dhigay dhawr sababood, lana qaban doono 15-ka January 2013.

Waxa uu sheegay in tartankan oo sannadkan ay ka qaybgalayaan kooxo ka socda ilaa 13 gobol, laguna qaban doono Hargeysa ay dib-u-dhigistiisa sababtay markii ay qabsoomida doorashadii Deegaanka ee 28 November Somaliland ka qabsoontay iyo diyaargarowga qabashada tartanka ciyaaraha 2012 ay isku beegmeen, isla markaana dhalinyaro badan oo tartanka ka qaybgali lahaa ama ka hawlgeli lahaana ku mashquuleen arrimihii doorashooyinka oo ay ka shaqaynayeen. Waxa kale oo uu xusay inay tixgeliyeen codsiyo uga yimi dhalinyarada, gaar ahaan kuwa goobaha waxbarashada ku jira, si la isu waafajiyo xilliga fasaxooda hore ee sannadka iyo qabashada tartankan.

Laakiin, Mr. Cali Siciid Raygal waxa uu ku dooday in wasaaraddiisu isu diyaarisay qabashada tartankaas oo ay sannadkan caasimadda Hargeysa martigelin doonto.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed