Ururka Siyaasadeedka Rays oo aqbalay natiijadii Doorashooyinka,Guddida Doorashooyinkana ugu baaqay in ay iscasilaan
Hargeysa Dec 12,2012(SDN)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Rays ee ka midka ahaa Ururadii dhawaanta ka qeybgalay doorashooyinkii golleyaasha degaanka Somaliland ayaasheegy in ay ku qanci doonaan natiijada ay shaaciso Maxakamada Gobolka Hargeysa.
Guddoomiyaha Rays Gaafaadhi ayaa sidoo kale ku baaqay in Guddida Doorashooyinka Somaliland is-casilaan hadii kalena xilaka laga xayuubiyo.
Sidaa waxa uu Guddoomiyaha Rays Xasan Gaafaadhi ku sheegay Shir Jaraaid oo uu goor dhaweyd ku qabtay magaalada Hargeysa,hadaladiisiina waxa ka mid ahaa;“Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacabka Somaliland ,Waxaan Si Gaara Ugu Mahad Naqayaa Tageerayaasha Ururka Rays Meelkasta Oo Ay joogan, Taageeradii ay na siiyeen.
Waxaan Tacsi U dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyaraii Ku Geeryootay Banaan Bixii Magaalada Hargaisa Ay kaga Cabanayeen Khaladaad ku Yimid Codokii Ay Dhiibteen,Waxaan ilaahay Ka baryayaa Inuu Intii Dhimatayna u naxariisto Inta Dhaawaca Ahna Caafimaad Dag-daga Siiyo.
Intaas Kadib Doorashadii Kadhacday Wadanka Sida La wada Ogyahay Waa Mid Guudahaan Dhalisay Muran Iyo Shaki Farabadan Koomishanka Qaranku Marnaba Ma buuxin Kaalintii Laga Sugaayay Waxaana Si Cad U Muujijyeen Inaanay Danaba Ka lahayn Khaladaadka Iyo Wax Isdaba Marinta Baahsan Ee Ku Suntanayd Maalintii Codbixinta Iyo Maalintii Ka Danbeeysay oo ay Meelaha Qaarkood Codbixintu Ka socotay.
Waxaa Gudida Doorashooyinaka Qaranku Natiijadii Hordhaca ahayd e Dagmada Hargaisa Ku Dhawaaqeen Bisha 6deedi,Waxay Bisha 8dedeedi Ku Dhawaaqeen Inay KHalad ahayd Dibna Loo TIrinayo Codadkii iyo Sanaaduuqda Codbixinta Ee Dagmada Hargaisa,
Waxay Hadana Bisha 10keedi Ku Dhawaaqeen inay Tirinta codadka hargaisa dib uga nodeen, intaas ayaa cidwalba ku filnayd in gudidii loo xil saaray doorashada horsed ka yahiin masiibadii ka dhalatay doorashdii gacanta ku hayeen taas oo dhalin karta amaan daro mug-leh.
Waxaa Xaqiiqo ah Waxaa Hargisa ka dhacay wax aad uga xumi in ay ka dhaceen dhamaan gobalada dalka, in doorashadii si nabadgalya ah ku dhacday layslama dii daneen, marka laga reebo dagmooyinka dilku ka dhcay intaas goob-joogayaashu way shegeen, lakiin in fool-xumo aad u weyni ay dhacday cidna kamay qarsoonayn isku soo wada duubo doorashadan dil-dilaac weyn ayaay dhex-dhigtay shacabka soomaliland, mustaqbalka doorashooyinka hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana si culus ayay u dhawacaysaa,
Mawqifka Ururka Rays: Iyada Oo Ay Adagtahay In Lagu Qanco Natiijada Hadana:
Markaanu Eegnay Baahida Nabdgalyo Uu Mudan yahay Shacabkayagu Sida Xalaasha Ah u Codeeyay Lakin La dulmiyay.
Markaanu La Tashanay Tageerayaashayadii Aragnayna Inay Ku Weyntahay Wadaniyada,Midnimada,Iyo Ilaalinta Qaranimadoodu Waxaaanu go’aansanay Inaanu Aqbalno Natiijada ay Ku dhawaaqdo Maxkamadu Ee Ah Doorashdii La galay 28-11-2012.
Waxaanu Soo Jeedinaynaa In Gudida Doorashda Gacanta Ku Haysaa Shuruud La’aan Isku Casisho haday taa garan Waydana Xasaanadda laga qaado.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com