Kenya oo aad u adkeysay Ammaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Dhoobley Dec 12 2012 (SDN)—Dad goob jogayaal ah oo ku sugan magaalada Dhooblay ee u dhaw soodinta Kenya ayaa waxa ay wakalada Anadoliyaan ee wararka u baahisa dawlada Turkiga ay u sheegeen in tiro badan oo ciidmada Kenya ay soo buux dhaafiyeen soodinta ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya halkasi oo ay ka wadaan baaritano la xirira dhanka amniga iyadoo laga cabsi qabo suurta galnimada dagaal yahano Shabab ah inay gudaha u galaanwadankasi Kenya.
Saraakiisha wadankaasi ayaa baraaya gaawarida ka baxda soomaaliya iyadoona sidoo kale su’aalo ay weydiinayaan dadka socota ah ee u kala goosha soodinta Kenya iyo soomaaliya.
Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto suurta galnimada dagaal yahano Al-shabab oo falal argagexiso ka geesta wadankaasi.
Adkeenta ay ciidamda amanka Kenya ay ku adkeenayan amniga soodinta ay la wadagan soomaaliya ayaa waxa ay ku oo beegmaysa waqti xarakada Al-shabab ee soomaaliya loaga saaray magaalada Jawhar ee xarunta gobolka shabeellada-dhexe.
Maal mihii ugu danbeyay waxa ka jiray wadankaasi Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi weeraro argagexiso ah oo lala xiririnayo in ay masuuliyadeydu ka danbeyaan Al-shababka soomaaliya.
SDN