Mareykanka oo Mucaaridka Syria u aqoonsaday dawlada dhabta ah ee dalkaasi
Washington Dec 12,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu ay mucaaridka dalka Syria u aqoonsatay dawlada sharciga ah ee dalkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in mucaaridku haatan ka kooban yahay dhamaan qeybha kala duwan ee dalka Syria.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya maalin uun ka dib kolkii Mareykanku xanibaad ku soo rogay jebhada al-Nusra oo mucaaridka ka mida.
Mareykanka ayaa sheegay in kooxdani ay xiriir la leedahay argegixisada caalamka isla markaana ay damacsan tahay Jabhadu in ay awooda dalkaasi faro maroorsato.
Talaabadan Mareykanku ku aqoonsaday Mucaaridka ayaa dhiiri gelin weyn u noqoneysa Mucaaridaka haatan ka dagaalamaya caasimada Dimishiq.
Hase yeeshee Mareykanku weli diyaar uma aha in uu hubeeyo dalada mucaaridka Syria.
Mareykanka ayaa ka mid noqonaya dalal reer galbeedka iyo kuwa Carabta u badan oo dhawaan Mucaaridka Syria u aqoonsaday dawlada Sharciga ah ee Syria.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com