Xukuumadda oo taageero lacageed ku wareejisay dhaawacyadii rabshadihii Hargeysa ka dhacay
Nairobi 11, December 2012 (SDN- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo uu weheliyo guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiilada Cali Yuusuf iyo taliyaha ciidanka Booliska, Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa booqday dhaawacyadii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii dhowaan ka dhacay Hargeysa ee dhexmaray Booliska iyo taageerayaasha urur-siyaasadeedka Xaqsoor.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadal kooban siiyay telefishanka HCTV markii uu dhaawacyadaas oo ilaa 9 ah ku booqday cusbatalka Edna ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay dadkaas u booqdeen si ay u muujiyaan siday xukuumaddu uga xun tahay waxyeelada gaadhay iyo si ay ugu wareejiyaan taakulo lacageed, si looga taageero daawaynta. “Runtii waxaanu muujinaynay dhaawaca iyo wixii gaadhayba in aanu ka xunahay,” ayuu yidhi Wasiir Duur.
Waxa uu sheegay in rabshadaas oo ilaa saddex qof ku dhinteen, ay muujinayso sida ay rabshad kastaa u saamaynayso shacabka iyo cid kasta, natiijadeeduna u noqonayso fool-xumo. “Waxay muujinaysaa in dhibaato kasta iyo shaqaaqo kasta oo la kiciyaa ay tahay kugu dhimay, oo kaa dhimay….Waxaanu ugu nimi si aanu xanuunka ula qaybsano iyo daawooyinka iyo wixii aanu ka bixin karo in aanu ka bixino, waananu ku wareejinay,” ayuu yidhi.
Warku wuxuu intaa ku daray, in wasiirku dhawr iyo soddon milyan oo lacagta Somaliland ah ku wareejiyay goobtaas, si dhaawacyada looga taageero daawaynta ay haatan cusbatalka u jiifaan.
Qurbejoog.com, Hargeysa