|

25-qof oo ka mid ahaa Soomaalidii lagu xirxiray Kenya oo la siidaayay

Nairobi Dec 11 2012 (SDN)–Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa waxa ay sheegtay in 25-qof oo Soomaali ah oo ka mid ahaa boqolaal qof oo lagu qabqabtay howlgalo laga sameeyay Xaafada Islii la sii dayay markii wax danbi ah lagu waayay.

Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa xaqiijiyay in dadk la siidayay ay ku jireen dad dhibaateysan oo qaarkood ay la joogeen walidiintood oo xanuunsan sidaasi darteedna ay u suurta gashay in ay ku guuleystaan in la sii daayo.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegtay in wali ay jiraan dad badan oo ku harsan gacanta Ciidamda booliska Kenya kuwaasi oo maalmaha soo aadan la horgeyn doono maxkamad.

Goobta Makamadeyn dadkan ay ka dhaceysay ayaa waxa goobjoog ka ahaa UNHCR hay’adda qaxootiga Aduunka taasi oo ay dalbadeen Saafarada Soomaaliya in ay wax ka aragto sida ay wax u socdaan.

Safaarada ayaa hoosta ka xariiqday in maalmaha soo aadan sidoo kale la sii deyn doono dad badan oo jira xabisiyada Nairobi hadii lagu waayo wax danbi ah waxaana ay sidoo kale safaarada ay tilmaamtay in dadka la xirxiray aysan kaliya aheyn Soomaali.

Dhawaan ayay aheyd markii dad boqolaal gaaraya oo u badan Soomaali loo xirxiray qarax qasaaro geystay oo ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

SDN-Nairobi

Comments are closed