Wiil Soomaali ah oo loo heysto in uu laba Dumara Kufsaday iyo Hooyadii oo eeda beenisay
Salt Lake City Dec 11,2012(SDN)-Wiil Soomaali ah oo ku nool magaalada Salt Lake City da’adiisuna tahay 15 jir ayaa lagu soo eedeeyay in uu laba caano maal oo is xiga uu kufsaday laba dumar ah.
Wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cali Maxamed ayaa gebigiisuba dalka Mareykanka joogay mudo laba sanadood ah ayaa mid ka mida dumarka lagu eedeeyay in uu kufsaday waxa uu ka dhacay lacag $ 400 oo dollar ah.
Labada haween ee sheegay in Maxamed uu kufsaday ayaa ciidamada Amaanka u sheegay in uu ku hubeysnaa midi.
Maxamed oo Soomaali ah ayaa ku dhashay xero qaxooti oo ku taal dalkaYemen,halkaa oo hooyadii Sahra Maxamed ay shegtay in uu cadaab kala soo kulmay.
Maxamed oo da’adiisu aad yar tahay ayaa lagu hayaa goob dhalaanku lagu sugsiiyo maxkamadaha si markaa loogu maxkamadeeyo dacwadaha lagu soo oogay.
SDN-Salt Lake City
contact@somalidiasporanews.com