Komishanka Doorashooyinka oo ka noqday dib-u-tirintii codadka Hargeysa, Maxkamadda gobolkana go’aan u gudbiyay
Hargeysa 10, December 2012 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka laabtay go’aankoodii dib-u-tirinta codadka doorashada ee Hargeysa, isla markaana natiijada muranka dhalisay isu dhaafisay Maxkamadda gobolka.
Sida lagu sheegay go’aan uu galabta Komishanku soosaaray, go’aankan cusubi waxa uu ka dambeeyay markii xisbiyada iyo ururada siyaasaddu ku heshiin waayeen dib-u-eegista Komishanku sameeyay, isla markaana waxa uu Guddiga Doorashooyinku natiijada uu Maxkamadda gobolka Hargeysa u gudbiyay ku saleeyay natiijada goobaha ee ay isla saxeexeen hawl-wadeenada Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladii xisbiyada iyo ururada siyaasadda goobaha cod-bixinta u joogay.
Go’aanka cusub ee KDQ soosaaray, waxa uu u dhignaa sidan; “Gudida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiiladda xisbiyadda iyo goob joogeyaal caalami ah iyo kuwo gudaha ah.
Komishanka Doorashooyinka qaranku wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa.
Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda.
Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyadda, ururadda iyo Murashaxiinta.
Komishanku waxay kula tallinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa.
Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weynna ay adduunka kaga yeelatay in la dhawro.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com