|

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo sharaxay deeqo Soomaaliya loogu deeqay

Muqdisho De, 09, 2012 (SDN)— Garoonka Muqdisho waxaa maanta kasoo dagay Wasiirka Wasaarada maaliyada Xukuumadda Soomaaliya kadib safaro uu ugu maqnaa dalka dibadiisa oo uu maanta dalka dib ugu soo noqday.

Wasiirka maaliyada ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho wuxuu la hadlay warbaahinta isaga oo faah-faahin ka bixiyay socdaalkiisa uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Maxamuud Xasan Suleeymaan ayaa wuxuu sheegay in masuuliyiin ka tirsan Dowladaha deeqa bixiya uu kulan kula soo qaatay dalka Kenya iyaga oo balan qaadyo fiican dalka Soomaaliya usoo balan qaaday.

Wuxuu sheegay in masuuliyintii uu lasoo kulmay dhamaantood ay isku afgarteen in Dowladda Soomaaliya la taageero islamarkaana Dowladda dalka Denmark ay shaacisay in Dowladda Soomaali ay siinayso 5-milyan oo doolarka Mareykanka.

Lacagaha Dowladda Soomaaliya loogu deeqay ayuu sheegay in wax looga qabanayo deeganadii ugu dambeeyay ee ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen.

Dowladda deeqaha bixiya ee taageera dalka Soomaaliya ayaa sheegaa inay Soomaaliya ugu deeqaan lacago kala duwan taasi oo aan dhaafsiisneen afka oo kaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed