|

Sababha keenay dib u tirinta codadka doorashooyinkii Hargeysa iyo waxa xigi kara

Hargeysa Dec 09,2012(SDN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa cabashooyin fara badan dabadood amray in dib loo tirio codadkii laga dhiibtay magaalada Hargeysa.

Cabshooyinka ayaa salka ku haya ku shubasho aan caadi aheyn oo loo aaneynayo xisbiga talada Haya ee Kulmiye iyo xisbiga ay rafiiqa yihiin ee Wadani.

Dib u tirinta ayaa timi ka dib kolkii musharixiintii isla labadaa xisbi la sii kala musuqay oo qaarna la reebay halka qaar kalena la soo saaray.

Musuqa ayaa u dhacay siyaabo kala duwan,waa midee waxa la badiyay tiradii waraaqaha codadka ee gooaha lagu shubtay loo qoondeeyay,oo waxa aan is waafaqsaneyn tirada codadka la dhiibtay iyo waraaqaha goobaha la geeyay.

Sidoo kale waxa la is daba mariyay sanaadiiqda iyo magacyada dusha uga qoran,oo waxa sanaadiiqda lagu dul qoray musharixiin aan aheyn kuwa codka la siiyay.

Hadaba dib u tirinta maxaa ka iman kara.

Dib u tirintu waxa ay sugeysaa in la iswaafijiyo tirada codadka goobaha loo qoondeeyay iyo tirada la diiwaangeliyay.

Sidoo kale waxa ay sugeysaa in dib la isu waafejiyo codadka la dhiibtay iyo musharixiinta codadkaa helay.

Hadaba hadii Hargeysa ay soo baxdo in codadkii la isdaba mariyay maxaa xigaya?

Waxa dheceysa in axsaabata iyo ururadu ay dalbadaan in dib loo tiriyo gobolada kale ee Kulmiye iyo Wadani ay kowda iyo labada isu noqdeen.

waxa kale oo iyana dheceysa in isbedel ku yimaado sida loo kala helay xildhibaanada ee degmooyinka dalka.

Isku soo xooriyoo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 28 bishii ina dhaaftay ayaa ahaa kuwii ugu musuqa badnaa ee dalka ilaa iyo haatan ka dhacay,waxaana dhici karta in ay sumcada iyo amniga dalka wax u dhinto.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed