|

Ciidamo Somali ah oo Kenya soo tababartay oo gaaray gobolka Gedo

Baladxaawo Dec 08, 2012 (SDN)—Ciidamo la sheegay in dowlada Somalia loogu soo tababaray   gudaha dalka Kenya ayaa soo gaaray degaano ka tirsan   gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada  iyo milateriga Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in degaanada ay ciidamadan  cusub gaareen ay ka mid yihiin yihiin Buusaar, Dhamase    iyo Ceel-cadde oo dhamaantood hoos yimaada degmooyinka gobolka Gedo.

Afhayeenka ciidamada dowlada Somalia ee gobolka Gedo   Axmed C/llaahi Xirsi ayaa sheegay in ciidamadan ay  yihiin kuwo hordhac ah ayna maalmaha soo socda soo   dhameystirmayaan ka dibna ay howlgeli doonaan gobolka Gedo.

“Si gaar ah ciidamadan cusub waxaa loogu talo   galay iney si deg deg ah gacanta ugu dhigaan degmooyinka  Baardheere iyo Buur-dhuubo oo ah labada meelood ee  kooxda nabadiidka Al-Shabaab ay gobolka Gedo kaga  soo hareen”ayuu intaa ku daray Axmed C/llaahi Xirsi.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay wali ku hardamayaan    xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwo Kenya iyo Itoobiya, waxaana intiisa  badan gacanta ku haya ciidamada isgarabsanaya iyadoo   Al-shabaabna ay ka joogaan dhowr degaan.

SDN-Baladxaawo

Comments are closed