Taliska Booliiska Kenya oo ku eedeeyay booliiska dalkaasi gaabis dhanka Ammaanka ah
Nairobi Dec 08, 2012 (SDN)—Eric Kerith oo ah afhayeenka ciidamada Pooliiska Kenya ayaa waxa uu ka warbixiyay qaraxii ugu danbeeyay ee dalka Kenya gaar ahaan qaraxii xalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay.
Sarkaalkaan ayaa ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inay jiraan xil iska saaris la’aan oo ka imaaneysa dhanka ciidamada Pooliiska ah oo iyagu ilgaar ah ku eegeyn ama aan adkeyneynin ammaanka guud ahaan deegaanada dalka Kenya.
Waxa uuna sarkaalkan hadalkiisa uu intaasi ku daray in saraakiisha ciidamada Poliiska lagu dhaliilayo inay ka dhaga fureysteen inay ammaanka adkeeyaan.
Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya gaar ahaan ciidamada quseeya sugida ammaanka Nairobi ilaa iyo haatan mahayaan wadadii lagu xaqiijinayay ammaanka waayo maalin waliba waxaa dhaca weerar qaraxyo ah.waxayna awoodi la’yihiin inay xil iska saaraan adkeynta ammaanka.
Sidoo kale sarkaalkaan ayaa ugu danbentiii waxa uu shaaca ka qaaday in iminka ay bilaabi doonaan la xisaabtan dhanka ammaanka ah waxii haatan ka danbeeya.
Waxa uuna hadalkaan ka soo baxay taliska ciidamada Poliiska Kenya ku soo aadaya iyadoo qaraxyada silsilada ay ku sii badanayaan dalka Kenya.
SDN-Nairobi