|

Dagaallo ka soconaya Magaalada Dimishiq ee Caasimada dalka Syria

Dimishiq Dec 08, 2012 (SDN)— Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Mucaaradka Syria iyo kuwa dowladda ayaa waxa ay ka soconayaan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee ku yaalla Magaalada Dimishiq ee Caasimada dalkaasi.

Dhaq-dhaqaaqayaal ku sugan Caasimada Syria ee Dimishiq ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saakay dagaak qaraar uu ka bilaawaday Koofurta Dimishiq gaar ahaan Xafadaha Beit Sahem iyo Akrab oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha Dimishiq.

Ciimada dowladda ayaa la sheegay in ay hormaro ka sameeyeen saacadihii hore Xaafada Beit Sahem markii Ciidamo Milatari oo xoojin ah loo diray halkaasi.

Dhanka kale isku dhacyo kale ayaa laga soo warinayaan in ay ka dhaceen Deegaanada duleedka Bari ee Dimishiq sida Douma iyo Harasta oo ka mid ah meelaha ay mucaaradku doonayaan in ay qabsadaan.

Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kale ee Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in tirada dadka ku dhinta dalka Syria ay kor u sii dhaafeyso in kabadan 30-kun oo ruux tan iyo markii ay rabshadahaasi bilaawdeen sanadkii hore.

SDN-Dimishiq

Comments are closed