Maraykanka oo Amaanay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya
Washington Dec 07, 2012 (SDN)— Dowladda Maraykanka ayaa aad u maantay howlgalka AMISOM ee ka soconaya dalka Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibada Mareyeknka ee Africa Johnnie Carson oo la hadalay war fidiyeenka ayaa sheegay in ay aad u amaanayaan howlgalka AMISOM ee ka soconaya Soomaaliya.
Johnnie Carson ayaa tilmaamay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu aad faa’iido u yeeshay islamarkaana uu ku guuleystay in uu xureeyo gobolo iyo deegaano badan oo Koofurta kuyaalay kuwaasi oo ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab.
Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibada Mareyeknka ee Africa ayaa dhanka kale waxa uu xusay in Maraykanka uu sii wado taageerada uu siiyo AMISOM si howlgalka xoogiisa uu u sii jiro islamar ahaanta uu meesha ka saaro Al Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh.
Sikastab Maraykanka ayaa ka mid ah wadamada ugu horeya ee taageerada faraha badan siiya Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxana uu Maraykanku marar badan ku cel celiyay in uu sii wadi doono taageerada uu siiyo AMISOM.
SDN-Washington