Midowga Yurub oo sheegay inay samayn doonaan qorshe cusub oo ay ku wajahaan burcadbadeeda Soomaaliya
Brussels Dec 07, 2012 (SDN)— Saraakiisha Midowga Yurub ee jooga xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo u jooga la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ayaa warbaxin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in qatarta burcad badeeda Soomaalida sanadkaan ay hoos u dhaceen.
Midowga Yurub ayaa sheegay in sanadkaan cusub ay damacsan yihiin in ay sameeyeen waji cusub ay kula dagaalamayaamn Burcad badeeda Soomaalida maadaama sanadkaan weerarada burcad badeeda ay ahaayeen kuwo aad u hooseeya.hadana ay rajeynayaan in sidoodii ay ahaayeen.
Mas’uul u hadlay howlgalka la magac baxay atlanta ayaa tibaaxay in sanadkaan cusub ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay kula dagaalamayaan howl gal cusub balse ma uusan faafaahin qorshaha cusub ay damacsan yihiin.
sanadkaan 2012 ee sii dhamaanaya ayaa weerarada kooxaha burcad baeeda waxa ay ahaayeen kuwo sii lidanayay marka loo eego sanadihii tagay.
waxaana kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay iyagu dhankooda afjayeen u hadlay oo lagu magacaabo Hasan Cabdi uu sheegay in wali ay yihiin kuwo wada weerarada hadana aysan jirin wax hoos u dhac ah.