Gudoomiyaha URURKA ISKU XIDHKA BULSHADA SOMALILAND IYO LADAGAALANKA QABYAALADDA ee AUSTRALIA Somaliland Anti-Tribalism Organization (S A T O) In Australia
Gudoomiyaha URURKA ISKU XIDHKA BULSHADA SOMALILAND IYO LADAGAALANKA QABYAALADDA ee AUSTRALIA
Somaliland Anti-Tribalism Organization (S A T O)
In Australia
Mr:Mubarak C OOMAAR
Waxaan halkan salaan qaali ah iga mudan igana gudooma leeyay,Hambalyana aan u dirayaa meel walba oo ay joogaanba Dhamaan bulshada iyo Badwaynaha reer SOMALILAND
In mudo bil laga joogo maannta oo taariikhdu tahay 7-December-1012 waxaa jirtay isku soo diyaarintii iyo doorashadii golaha deegaanka ee ‘Somaliland Republic’ taasoo ay dadwaynaha reer somaliland ay si wada jira u muujiyeen ama uga qayb galeen doorashadaas golaha deeganka oo ay u tartamayeen 7 xisbi ama Urur-siyaasadeed ahi sidii ay seddexda xisbi ee qaranku uga soo bixi lahaayeen.
Hadaba waxaa mahad ilaahay ah sidii shacabka ama dadwaynaha Somaliland ay uga soo faraxasheen doorashadaa iyo qaban-qaabinteediiba,sida muuqatana u dhamaatay si nabadgalyo iyo sharaf leh; Taasoo noqotay mid ay Somaliland ku muujinayso amaba tahay wadan Dimoqraadi ah amaba u dhashay iyadoo taasina tahay haybad uu bixiyo (Allaahu Subxaanu watacaala) waana Mansha-Allaah in shacabka Somaliland uu yahay dad hore u talaabsaday kana wanaagsanyay maanta wadamo badan oo aduunka ku kala yaal.
Hadaba intaan natiijada doorashadii saddexda xisbi-Qaran lagu dhawaaqin,kuwii soo baxaba ha noqdaane,waxaan si wayn iduunkula dardaarmayaa inaad noqotaan xisbiyaddii DADKOODA, DALKOODA iyo DIINTEENABA ilaalinayay oo si cadaalad iyo wax wada qabsi ah ugu shaqayn lahaa dalkeena Somaliland,Ilaahayna ha idinla garab galo wanaaga wax qabadka aad u soo bandhigi doontaan xisbigu ahaadaba ha noqdee..WASALAAMU-CALAYKUM WARAXMATULLAAHI-WABARAKAATIHI.