|

CRRD oo Baaq Ka soo Saaray Khilaafka Ka Curtay Codbixintii Doorashada, Ka Hor Natiijadda

Hargeysa Dec 05,2012(SDN/Hubaal)- Hay’adda Cilmi baadhista iyo Horumarinta ee Magaceeda loo soo gaabiyo CRRD  (Charity for Rehabilitation Research and Development) Ayaa  soo saaray baaq xalin ah oo ku saabtay khilaafaadka doorashooyinka iyo nabadgelyadda dalka.

CRRD oo Xukuumadda Somaliland, Goleyaasha Qaranka, Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka iyo diiwaanglinta ugu khilaafka jira lagu xaliyo hab xasiloon. War Murtiyeed uu soo saaray agaasimaha fulinta ee CRRD  Maxamed Cabdillaahi Xasan oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska Hubaal ayaa u dhignaa sidan:

”Waxaan Gudidiyada diiwan gelinta iyo doorashooyinka, xisbiyada iyo Musharraxiintaba uga digaynaa inay xidhiidhka ka dhexeeya Guddida doorashooyinku, xisbiyadu iyo musharixiinta uu ahaado mid dadban oo warbaahinta la isku mariyo ee xidhiidhku waa inuu ahaado mid toos ah oo u dhaxeeya dhinacyada ay khusayso isagoo gaadhsiisan heer xisbi iyo musharrax ah,  iyadoo la raacayo qorshaha xalinta cabashooyinka”  Xukuumadda Somaliland:- Xukuumadda somaliland waxaan halkan uga soo jeedinaynaa inay ogaato in mucaarid iyo muxaadba dadku iyadu masuul ka tahay isla markaan ay tahay xukuumad lasoo doortay oo matasha Dhammaan shacbiga oo dhan hadii ay tahay muxaafid iyo mucaaridba.

Waxaan  dhiirigelinaynaa  inay fariimaha warbaahinta la isku marinayo lagu bedelo wada hadal toos ah oo dhex mara Dhammaan dadka dhaliilaya. Waxaa kale oo muhiim ah inay dhegaysato cabashooyin hadii ay kasoo yeeraan dadka hadha ama xisbiyada hadha oo ay si toos ah kulano gar bixin ah oo xaalka lagu qaboojinayo ay u qabato xisbiyada hadha maadama marxalada lagu jiro ay tahay marxalad tartamayaashu aanay u bislaan ilaalinta danta qaranka.

Shacabweynaha Waxaan ugu Baaqaya in ay ilaaliyaan Nabadgalyada,  iyagoo danta guud ka hor marinaya danta qof uu nasiibku soo saari waayay. Dhammaan Musharraxiinta waxaan ugu baaqaynaa haddii ay cabasho qabaan ay heer xisbi u maraan iyagoo iska ilaalinaya in ay warbaahinta u adeegsada inay muujiyaan cabashooyinkooda, islamar ahaanta hadii laga fursan waayo ay nidaamka garsoorka u maraan cabashooyinka.

Ururrada Siyaasda iyo Xisbiyada Qaranka ee Ku Meelgaadhka ah in ay waxwalba ka hormariyaan Danta Qaranka ku Dhaqmaan Shurucda Dalka u Degsan Kuna Qancaan Natiijadda Doorashada. Waxaan Dhammaan Ururrada tartamaya iyo Musharraxiintaba uga digaynaa inay xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo Guddida diiwan gelinta iyo doorshadu uu ahaado mid warbaahinta la isku mariyo ee xidhiidhku u ahaado mid toos ah oo heer xisbi iyo musharax ah iyadoo la raacayo qorshaha xalinta cabashooyinka.

Xisbi xaakimka KULMIYE:- Waxaan ku baraarujinaynaa in wadanka loo doortay dowlad taasoo masuul ka wada ah shacbiga guud ahaaneed mucaarid iyo muxaadba. Xisbigu waa inaanu ka jawaabin ama aanu ka hadlin Dhammaan fariimaha ama doodaha kuwajahan gudidiyada doorashada iyo diiwangelinta ama Xukuumadda taasoo keeni karta hadii uu ka jawaabo hurinta khilaafka iyo isla ficiltanka xisbiyada dhexdooda ah.

Wixi KULMIYE si gooni ah loogu eedeeyo kama hadlayso fariintani, taasi waa arin xisbi, laakiin fariintani waxay ku aadan tahay xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada ama Musharraxiinta iyo dowlada iyo  xisbiyada iyo koomishanada diiwan gelinta iyo doorashada. Guddida Doorashooyinka iyo diiwaan gelinta:-Waxaan ugu Baaqayaa in ay saaran tahay Culus Mas,uuliyeed  Lagana sugaayo Garsoor ku Dhisan Cadaalad iyo Xaqsoor Siman Gacantiina ay ku jirto Masiirkii Ummadda Jawi Hufan oo Kalsooni leh ku wadaan Mudada lagu Jiro tirint Cod iyo  ku dhawaaqida Natiijadda Cod Bixin Doorasha una Gutaan Xilka iyo Waajibaad Qaran ee Saraan una gutaan si Mug Leh  waafaqsan Dastuurka iyo Dhammaan Xeerka Dalka Qanciyaana Cid kasta oo Qabto Cabasho ka feegjignaadaan wax kasta wiiqi kara kolsoonida lagu qabo.

Waxaa muhiim ah in guddida diiwangelinta iyo doorashooyinka ay sameeyaan  qorshe heer Qaran ah Si ay ugu xaliyaan  cabashooyinka ay qabaan  musharrixiinta iyo Ururrada Siyaasada, taasoo keeni karta in laga maarmo muranada yar yar iyo cabashooyinka aan waaweyn inuu lagu xalinyo heer Guddida aan dhaafsiinayn.

Waxaan Gudidiyada diiwan gelinta iyo doorashooyinka uga digaynaa inay xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo musharixiinta uu ahaado mid warbaahinta la isku mariyo ee xidhiidhku u ahaado mid toos ah oo heer xisbi iyo musharax ah iyadoo la raacayo qorshaha xalinta cabashooyinka. Hadaba Sida Aynu Ogsoonahay 28/11/2012  in ay Dalka Gibi ahaantiisa ay ka Dhacdey  Dooorashooyin Golayasha Deegan ee Jamhuuriyada Somaliland Kana Soo Bixii Doonaan Mudanayaasha Golayaash Deeganka iyo Sedex Xisbi Qaran uu yeelan Doono Jamhuuriyada Somaaliland.

Sidaa Daraadeed Waxaanu Baaq u Direynaa Dhammaan Shacabweynaha ,Dhammaan Musharraxiinta Golayaasha Deegan, Ururrada Siyaasada iyo Xisbiyada Kumeel Gaar Ah ee Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Xukuumaddaba iyo Waxgaradka iyo Madax Dhaqmeedka iyo Culumadaba iyo laga hor tago waxa alaale wixii ka hor imanaya Danta Qaranka kana shaqeeyaan in aanu abuurmin Qilaaf Siyaaseed oo Ma jara Habaabiya Ujeedooyinkii iyo Himilada Qaran ka ee Laga Lahaa Doorashooyin Golaayaasha Deegan iyo Hormarinta hanaanka Dumquraadiyed iyo Xasiloonida iyo Nabad Galyada Dalka Laguna Wado Dhaqmo Loona wada Maro Waxa alaale Wixi Cabasho Ah Dastuurka iyo Sharuucda Dalka u Degsan Lagana Fogaado in ay noqoto Saxaafadda  Wada Loa marayo  Xalinta Cabashooyin .

Mohamed Abdillahi Hassan

Executive Director Of

Charity for Rehabilitation Research and Development (CRRD)

Comments are closed