|

Isugaynta Kuraasta 16 Degmo oo ay kala heleen Xisbiyada/ururada u tartamaya Doorashada Deegaanka Kulmiye iyo Wadani iyo Ucid oo u horeya

Berbera Dec4/12 -16 degmo oo ka mid ah 19 degmo oo doorashada Deegaanka Somaliland ka dhacday, ayaa waxa aqlabiyaddooda ku guulaystay xisbul-xaakimka Kulmiye oo 12 hoggaaminaya 12 degmo, halka kaalinta labaad uu ku jiro urur-siyaasadeedka Wadani, balse aan weli si cad loogu kala bixin kaalinta saddexaad oo ay tirooyin aad isugu dhaw dhaw ay isu daba-fadhiyaan Xisbigada UCID iyo ururada Xaqsoor iyo Ray

Hadaba, 16 kaas degmo oo magacyadoodu kala yihiin; Ceerigaabo, Boorama, Laascaanood, ,Lughaya, Balligubadle, Oodweyne, Saylac, Baki, Sheekh, Caynabo, Ceel-afweyn, Qorilugud, Gar-adag, Sallaxley, Xudun iyo Berbera waxa isugaynta kuraasta dawladahooda Hoose ee ay kala heleen todobada urur/xisbi kala yihiin sidan:

  1. 1.    KULMIYE wuxuu haystaa 75 kursi
  2. 2.    Wadani wuxuu haystaa 50 kusri
  3. 3.    UCID wuxuu haystaa 30 kusri
  4. 4.    Xaqsoor wuxuu helay 25 kusri
  5. 5.    Umadda wuxuu helay 24 kusri
  6. 6.    Rays wuxuu helay 23 kursi
  7. 7.    Dalsn wuxuu helay 11 kusrsi.

qurbojoog.com

Comments are closed