Hargeysa: Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay habka ay ururada iyo xisbiyadu u mari karaan cabashooyinka doorashada ee ay qabaan
Hargeysa 4, December 2012 (SDN)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay sifaha ay tahay in ururada/xisbiyada siyaasaddu u maraan wixii cabashooyin ah ee la xidhiidha doorashadii Deegaanka ee qabsoontay Arbacaddii aynu soo dhaafnay.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Ciise-Xamari) oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda Hargeysa, waxa uu sheegay in doorashadii 28 November 2012 dalka ka dhacday ay u qabsoontay si xor iyo xalaal ah oo nabadgelyo ah.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhawaaqa natiijada doorashadu aanu ku koobnayn xarunta KDQ oo keliya, maadaama ay tahay tii degaanada, balse natiijooyinka hordhaca ah lagaga dhawaaqo degmooyinka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in xubnaha sare ee KDQ ay leedahay go’aanka u dambeeya ee dhawaaqa wadarta guud ee dalka.
Guddoomiyaha Komishanku waxa uu sheegay in wixii cabashooyin ah ee yimaada loo baahan yahay in xisbiyada iyo ururada siyaasaddu u maraan nidaamka sharciga ah, ayna dacwadahooda u gudbin karaan Maxkamaddaha heer gobol todobaad keliya uun gudihii marka uu dhawaaqa natiijada doorashadu soo baxo.
Dhinaca kale, weli waxa xarunta Komishanka Doorashooyinka ee Hargeysa ku soo qulqulaya sanaadiiqda gobollada iyo degmooyinka, iyadoo sidoo kalena ay xarunta KDQ ka socoto tirinta codadka magaalada Hargeysa oo ah goob natiijadeeda aad loogu dheg-taagayo.
Qurbejoog.com, Hargeysa