Dad lagu tuhmay burcad badeednimo oo Mareykanka lagu xukumay
NORFOLK, Va Dec 04, 2012 (SDN)— Maxkamad Federaal ah oo ku taala dalka Mareykanka ayaa xukun Maxkameed ku riday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeyay inay ahaayeen Burcadbadeeda Soomaali oo dil u geystay muwaadiniin Mareykan ah oo saarnaa dooni yar xili ay marayeen meelo kamid ah xeebaha Soomaaliya.
Dowlada wadanka Mareykanka ayaa ku eedeysay dhalinyaradan Soomaaliyeed inay ku kaceen falal ka dhan ah Burcadbdeednimo oo markaasi ay si sharcidaro ah ay ku dileen ilaa iyo afar muwaadin xeebaha Soomaaliya,waxa uuna Mareykanka sheegay inay xaq u leeyihiin inay maxkamadeeyaan dhalinyarada lagu soo eedeeyo Burcadbadeednimo.
Maxkamada xukunka ku riday Burcabdeedaan ayaa sheegtay inay maxkamadeyntooda ay ka danbeysay kadib markii markab lagu magacaabo Yacht oo ay saarnaayeen Muwaadiniin Mareykan ah ay weerar ay ku qaadeen dabadeedna ay dileen afar muwaadin Mareykan ah ay dil u geysteen sanadkii 2011,waxa ayna Burcadbadeeda markaasi lacag madaxfurasho ah ay u qabsadeen Markabkii ay weerareen iyagoona dalbaday lacag gaareysa Malaayiin Dollar.
Mid ka mid ah qaadiga Maxkamad ku taalo dalka Mareykanka ayaa ka soo horjeestay in mar marsiiyo loo raadiyay dadka ku eedeysan gacan ku dhiiglayaasha ee Burcadbadeedda Soomaalida ka tirsan.waxa uuna intaasi raaciyay hadalkiis hadii ay ku cadaato ay wajihi doonaan dil toogasho ah.