|

SAMO-TALIS: Xog-warranka Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax iyo Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qaybta 15aad

Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo berigii hore lagu naanaysi jiray “Tolwaa”, hadda loo yaqaanno Laba-tolle ama Tol-weyne waxa uu ka mid yahay hal-doorka aan wax ka weydiiyay shakhsiyadda, aqoonta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe). Isaga oo Mujaahidku ii qaabilay si maamuus leh waxa uu dareenkiisa ku cabbiray sidan:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Waad mahadsan tahay haddaad wax iga weydiisay Xaaji C/Kariin Xuseen. Runtii anigoo maqlay taariikhdiisa iyo noloshiisii hore ee yaraantii oo aad iyo aad sal ugu leh nabadda oo uu ku soo barbaaray, waxa isugu kaaya horreysay meel aan arko oo uu ka hawlgalayo halgankii markii lagu jiray, oo uu ka mid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa guurtidii halkaa lagu sameeyay, ee dib-u-heshiisiinta, hanti-ururinta iyo rag-ururintaba ee kaalinta weyn ee mugga leh ugu jiray halgankii markaa lagu jiray.

 

Waxaan ku arkay Xaaji C/Kariin Xuseen nin af-tahamo ah, hal-adag, xaqana aan ka waaban, ku caddeeya dadka oo runta ka sheega. Runtii waddanka markii la yimina sidii oo kale iyo kaalin ka sii firfircoon ayuu ka sii qayb-qaatay sidii beelaha loo heshiisiin lahaa oo ahayd muhiimadda koowaad bilawgii markii dalkii laga yimi ee waxyaabihii u horreeya ee qabsoomay ee ugu weyn ka mid ahaa. Guurtidii marka dadka khilaafaad dhex yimaaddo kala dhex galaysay, ee heshiisiinaysay ayuu mar walba xagga hore kaga jiray.

 

Waxa iigu xigtay Shirkii Boorama ee muddada shanta bilooda socday guurtiduna maamulaysay ee Somaliland lagu soo unkay isaga iyo Sheekh Ibraahin iyo rag la mid ahi haddaanay u guntan inaan wax badani ka suurtogaleen. Dib-u-heshiisiintii baa sii socotay, la sii dhammays-tiray halkiibaa laga sii amba-qaaday, hormood buu ka ahaa raggii halkaa hawsha ka waday. Arrin kalena wuu dhacay markii dalka la soo galay, oo beelaha dhexdooda la isku yaacyaacay oo khilaaf yimi, mar walba Xaaji C/Kariin Xuseen wuxuu ka taagnaa dhinaca wanaagsan ee garnaqa ah oo uu dalka iyo dadkaba kala badbaadinayo, oo aanu qolo iyo qabiil midna raacsanayn ee dhex ah.

 

Xaajigu waa nasiib badan yahayoo cimrigaa wuxuu ku soo gaadhay maanta, hadduu dadka xumaha iyo dulmiga ka taliya uu yahay waxaan u malaynayaa inaanu cimrigaa soo gaadheen, cibaadada iyo samo-talisnimada waxbaan kaga darayaa cimrigaa Ilaahay u dheereeyay. Intaas aan sheegayuun maahee illaa Ingiriiskii, illaa dawladihii hore haddaad isaga oo sheekanayo taariikhahaas wuxuu ku jiray nabadayn iyo dib-u-heshiisiin. Ficillo badan oo ajar badan ayuu soo qabtay.

 

Halkii yaanan ka tegine waa tii Boorama lagu soo dhisay xukuumaddii, waa tii lagu guuleystay in la dhiso dawlad cusub oo AHN Cigaal madaxweyne ka ahaa, anna aan ku-xigeen ka ahaa, halkii buu Xaaji Cabdi ka sii waday. Markii dambe iska hor-imaad baa dhacay aynu ogayn oo ay duruufii hub-ka-dhigista iyo waxyaabo caynkaas ahi keeneen, khilaafaad baa dhacay, dhexdeenna waa tii la isku yaacyaacay, Xaajiga mar walba doorkiisu wuxuu ahaa mid cad oo uu dhinac walba leeyahay “Waar toloow colka jooja”. Mar walba nabad-gelyada ayuu ku tuntuunsanayay  beeshiisu dhinac ay martaba.

 

Taa lafteeda dhammaystirkii la dhammeeyay ee nabad-gelyada laga gaadhay ma dhacdeen haddaanay rag uu ku jiraa u kaceen. Ilaahay baa mahadda leh, laakiin wuxuu ku jiraa ragga fara-ku-tiriska ah ee hawshaas loo tirinayo.

 

Guurtidii Somaliland waa tii la sameeyay, Xaaji Cabdi golahaasuu joogaa illaa shirkii Boorama markii laga yimi. Mawaaqiiftiisi ismay beddelin, mar walba nabad-gelyada hala ilaaliyo, waar ha la is nabad-geliyo, waar shuruucda dalka iyo dadka ha loo hoggaansanaado ayuu kuu baaqaa. Dawladdana markeeda qaladka wuu u sheegaa wixii uu ku dhaliilayo, laakiin dadka Somaliland inay wadajir iyo walaalnimo ay ku wada dhaqmaan, iyaga iyo xukuumaddooduna ay is-fahmaan oo aanay iska hor iman ayuu jecel yahay. Ilaahay waxaan ka baryayaa intuu nool yahay inuu tuso Somaliland oo la ictiraafay, oo himiladii ummaddeedu gaadhay.

 

Waxaan ku soo gebagebaynayaa oo aan odhan karaa Xaaji Cabdi waa inta ay Somaliland dheer tahay dadka kale, isagana Ilaahay ha ka jasaa’i siiyo khayrna ha siiyo, intii dhimatayna Alle ha u naxariisto. Waa odayasheenna fara-ku-tiriska ah ee dhaqan-yaqaanka ah ee hadhay imaka ee xeer-yaqaanka ah oo aan badnayn Ilaahay cimrigooda ha dheereeyee”.

 

7.23, Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax (Tol-Weyne), Madaxweyne-ku-xigeenkii Labaad ee Somaliland, 19/09/2012, Hargeysa.

 © Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.
La Soco Qaybta 16aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair

Comments are closed