|

Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Hordhac U Ah Heshiis Dhawaan Lagu Wado In Ay Wada Galan Somaliland Iyo Itoobiya

Hrgeisa 3-12-2012 (SDN)-Xukuumada Somaliland oo ka hadashay heshiis dhawaan lagu wado in ay wada galaan Somaliland  iyo Itoobiya kaasi oo kulan horac oo ku saabasani ka dhacay magaalada diridhaba ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debeda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo warbaahinta kula hadlay magaalada hargeisa ayaa faafaafin ka bixiyey nuxurkii uu xambaarsanaa kulan kii ay masuuliyiinta laba dowladood ku yeeshan magaalada diridhaba waxaana hadaladiisii ka mida ahaa

“Waxa saaka xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay guddi heer qaran ah oo ka kooban hay’addaha kala duwan ee qaranka oo ka soo noqday shir ay kaga qayb-galeen Magaaladda Diridhaba oo ay kula shireen dhigooda dalka Itoobiya, kaasi oo lagaga wada hadlay heshiis iskaashi oo wax wadda qabsi leh,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirka Khaarajigu wuxuu intaasi ku daray “Heshiiskaasi oo la filayo inuu dhawaan dhex maro labada dal, kaasi oo noqon doona heshiis taariikhi ah oo ah heshiis ay dhinacyo badan iska kaashanayaan, haddii ay tahay ganacsiga, Kastamada, dekedaha, Tacliinta, nabadgalyadda iyo dalxiiska.Waxaana guddiyadan u qoondaysan shirar kale oo badan, kuwaasi oo farsamo, wada-hadalo iyo heshiisyaba leh, waxaana la rajaynayaa in arintaasi isugu soo biyo shubato heshiis balaadhan oo laba geesooda ah, oo faa’iido u yeelan doona shucuubta labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.”

www.Qurbejoog.com Hargeisa

Comments are closed