Dibad bax lagu taageerayo hadalkii Madaxweynaha oo ka dhacay Markale Muqdisho
Muqdisho Dec 03, 2012 (SDN)— Banaanbaxa oo ka dhacay garoonkii Ex-luujino Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid lagu taageeraye Go’aankii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee lagu qaadaye isbaarooyinka yaalay Magaalada Muqdisho iyo deeganada Duleedka ka ah ee rag ka tirsan Dowladda ay ku qaadan jireen lacago.
Dadweyne ka kala yimid 17-ka Degmo ee Gobalka Banaadir oo qeyb ka ahaa Banaanbaxa ayaa halkaasi kusoo bandhigay dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin in gabi ahaanba la xaalufiyo jidgooyooyinka yaalay Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale halkaasi ay goobjoog ahaayeen madax ka tirsan Dowladda.
Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Banaadir ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Cali Axmed Guure oo halkaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Bulshada ay muujiyaan dareenkooda isagoo xusay in talaabadani ay ku timid dalab ka yimid kol hore Maamulka Gobalka Banaadir.
Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo isna kamid ahaa Xubnihii kasoo qeybgalay Dibadbaxa ayaa sheegay in waxa kaliya oo harsan ay tahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb qaadan lahaayeen nabadda Xukuumaddana ay xil iska saari doonto soo celinta ammaanka.
Ugu dambeyn banaanbaxa ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida looga xun yahay falkii 3-Decembar 2009 ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu laayay dad badan oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin ka tirsanaa Dowladii KMG aheyd Wariyaal Waalidiin iyo Arday ka qalin jebisay jaamacada Banaadir.
SDN-Muqdisho-Soomaaliya