Ugaaska Mursade oo baaq u jeediyay beelaha ku dagaalmaya Gobolka Galgaduud
Muqdisho Dec 03, 2012 (SDN)— Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ah Ugaaska Beesha Murusade ayaa shirjaa’id oo uu ku qabtay hoteelka Safaari ee Magaalada Muqdisho, waxana uu ahaanba kaga hadlay xiisadda Colaadeed ee ka taagan deegaanka Baalal-dheere ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faracade ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn uga xunyahay dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay deegaanka Baalal-dheere, kaasi oo u dhexeeyay labo beelood oo walaalo ah, islamarkaana wada dega Gobolka Galgaduud.
Ugaas Faracade ayaa ka codsaday dhinacyada dagaalamaya in ay si shuruud la’aan ah ujoojiyaan dagaalka u dhexeeya, isagoona hoosta ka xariiqay in ay muhimtahay in beelaha wada dega Gobolka Galgaduud ay ku noolaadaan Nabad, waxaana uu intaa sii raaciyay in loobaahanyahay in labada beelood ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka si looga hortago dhiig dambe oo ku daata Gobolka Galgaduud.
Ugaaska ayaa sidoo kale waxa uu baaq u jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu u sheegay in looga baahanyahay Xukuumadda in meelkasta ay u dirto Guddi ka kooban beelaha wada dega Gobolka Galgaduud si loo joojiyo dagaalkaasi.
Sikastaba ha ahaatee baaqaan uu jeediyay Ugaaska beesha Murusade ayaa imaanaya xilli deegaanka Baalal-dheer ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.