|

Weerar Qasaaro geystay oo ka dhacay Waqooyiga Nigeria

Borno Dec 03, 2012 (SDN)— Kooxo hubeysan oo la tuhunsanyahay in ay ka tirsan Yihiin Kooxda Boko Xaram ayaa weerar ku qaaday Xaafad Kutaalla gobolka Borno ee Waqooyiga dalka Nageria.

Saraakiisha Ciidamada booliska Nageria ayaa sheegay in 10-qof oo Kishtan ay ku geeriyoodeen weerarkaasi islamarkaana ay tiro kale oo aan la cayimin ay ku dhawacmeen.

Afhayeenka booliska Nigeria oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in dhacdaasi ay ka warqabaan, waxaana uu ku eedeeyay in ay ka danbeyso Kooxda Boko Xaram ee dagaalanta dalkaasi Nigeria.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Boko Xaram oo ku aadan dhacdadani, hase ahaatee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in ku dhawaad 3-kun oo ruux ay ku geeriyoodeen dagaalada iyo qaraxyada ka dhacay dalkaasi tan iyo intii Kooxda Boko Xarama ay xoojisay howlgaladeeda sanadkii 2010-kii.

Comments are closed