Guddoomiye ku-xigeenka Gollaha Wakiilada oo Baaq u jeediyay Axsaabta iyo ururadii ku tartamay Golleyaasha Degaanka
Hargeysa Dec 03,2012(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka Gollaha Wakiilada Md Cali Yusuf Axmed ayaa shir hjaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu baaq ugu jeediyay dhamaan dhinacyadii ka qeybgalay tartankii doorashooyinka gollaha degaanka ee Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu ugu baaqay axsaabta,ururada iyo Dhamaan musharixiintii ka qeybgashay tartanka iyo ay aqbalaan natiijooyinka Doorashada.
Hadalada Guddoomiye ku-xigeenka Gollaha Wakiilada Somaliland Md Cali Yusuf Axmed waxa ka mid ahaa;“Waxaan run ahaantii u soo jeedinayaa murashixiinta, kolka horeba qof og inuu soo baxayo ma jirin, waayo haddii la og yahay hebel soo baxaya dee doorashaba ma dhacdeen.
Doorashaddu waa ta dadka lagu kala reebayo. doorashadu waxay la mid tahay ciyaarta kubadda cagta oo marka garoonka la soo galo labada kooxood ee wada ciyaarayaa koox kasta waxay jeceshahay inay badiyaan laakiin koox uun bay guushu raacdaa oo badisa.
Markaa guul ayaynu joognaa mar haddii doorashadu si nabad galyo ah inoogu dhamaatay, waxaana leeyahay cida laga badiyey iyo xildhibaanka laga badiyay inuu halkaa ku samro.
Tusaale fiican oo lagu deydo waxa inoo ah Madaxweynahaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 80 cod ayuu kaga hadhay doorashadii madaxtinimada 2003-dii.
Kolkaa musharax gole degaan ee hadha waxaan u soo jeedin lahaa inuu madaxweynaheena kaga daydaan tusaalahaasi wanaagsan.”ayuu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku gunaanaday.
Hadalka Gudoomiye ku-xigeenka ayaa ku soo beegmaya xili Guddoomiyihii gollaha Wakiiladu tantanka uu uga qeybgalayo kiyoo ah guddoomiye Urur siyaasadeed.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com